Himilo – Duqa magaalada Fishers ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka, ayaa billaabay olole cusub oo lagu xoojinayo isdhexgalka iyo iska warqabka bulshada.
Ololaha loogu magac daray “Loolanka labada kun ee samafal” ayaa ku dhiiri-galinaya dadku inay sameeyaan wax uun samafal ah sida inay qof siiyaan cunno, saaxiibadood u diraan fariimo dhiiri galin ah, soo dhaweeyaan dadka ku cusub magaalada amaba wadada ka nadiifiyaan barafka fariista.
Ruuxa ka qeyb qaadanaya oo ay tahay in da’diisu aysan ka yaraan 18-sano ayaa looga baahan yahay in ficilkiisa wanaagsan uu la wadaago maamulka magaalada hab online ah kuna baahiyo baraha xiriirka bulshada, markaas oo uu heli doono hadiyad $50 ah, balse waxaa waajib ah inuu lacagtaasi cunto kaga iibsado maqaayadda lagu qoray magaciisa.
Scott Fadness, duqa magaalada Fishers oo fikirka ololan lahaa, ayaa ku tilmaamay mid lagu dhiiri galinayo in bulshada ay is caawiyaan dhexdooda qulqulka dhaqaalahana uusan istaagin, sida uu baahiyay warsidaha maalinlaha ah ee indystar.
Ololahan oo ay ku baxeyso lacag dhan 100-kun oo doolar ayaa waxaa maalgalinaya maamulka magaalada Fishers oo ay degan yihiin dad ka badan 90 kun oo ruux.