Home / Habka-Nolosha / Olole ka dhan ah astaamaha Muslimiinta oo ka bilaabanaya caasimadda Shiinaha

Olole ka dhan ah astaamaha Muslimiinta oo ka bilaabanaya caasimadda Shiinaha

Himilo – Maamulka magaalada ayaa amray  in qoraalada Af-carabiga ku dhigan iyo astaamaha kale ee ka turjumaya islaamka laga tir-tiro makhaayadaha iyo dukaamada.  

11 shaqaale oo ka hawl-gala xarumaha xalaasha lagu iibiyo ee caasimadda ayaa sheegay in lagu war-galiyay inay ka tirtiraan xarumahooda calaamad kasta oo la xiriirta islaamka.

Hawl-wadaano ka socday xafiisyada dawladda ayaa fulinta amarkan u kaba qaatay, waa olole socday tan iyo sanadkii 2016,  haddase waa weji kale oo cusub.

 Mi ka mid ah maamulayaasha goobaha la beegsanayo ee  Beijing ayaa amar lagu siiyay inuu masaxo qoraalaga Carabiga iyadoo ay arkayaan saraakiisha.

“Waxani waa dhaqan shisheeye, waa inaad wax badan isticmaashaa dhaqanka dalka (Shiinaha),” sidaa waxaa sheegay saraakiisha dawladda.

Shiinaha waxaa ku nool 20 milyan oo Muslimiin ah, xukuumadda ayaa u ololayneysay in la aamino lana raaco tubta iyo aragtiga xisbiga talada haya.

Marka laga tago bulshooyinka kale ee ajaaniibta, Muslimiinta dalkan waxaa loo lahaa dareen gaar ah wixii ka dambeeyay rabshadihii dhex maray 2009-kii muslimiinta Uighur iyo qoomiyada Han-ka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan