Home / Macluumaad / Ol’ole loogu magac-daray ‘La cab shaah qof Muslim ah’ oo ka socda Kanada

Ol’ole loogu magac-daray ‘La cab shaah qof Muslim ah’ oo ka socda Kanada

Toronto – Ol’ole cusub oo dadka loogu yeerayo inay la shaahaan kanala hadlaan qof Muslim ah diinta Islaamka iyo aragtida sirgaxan ee dadka reer Yurub ka qabaan ayaa guulo la taaban karo kasoo hoynaya guud ahaan dalka Kanada – halkaas oo badigood kuwo aan Muslimiinta ahayn soo dhaweeyeen tallaabtan cusub.
“Waa la yaab sida falkan usoo jiitay indhaha dadka aan Muslimka ahayn.” ayuu yiri Jari Qudrat oo kamid ah qaban-qaabiyaasha ol’olaha.
“Aad ayayna no dhiirri-gelinaysaa inaan aragno xiisaha loo qabo ol’olaheenna.”
Qudrat ayaa ka hadlaya ol’ole qaran oo dadka aan fikirka ka heysan diinta Islaamka ay ku casuumaan inay kula qaxweeyaan fadhi ku saabsan Islaamka iyo nolosha.
Badi ol’olaha ayaa dhaca madasha Jimcaha inta u dhaxeysa subaxii ilaa galabkii.
Ku dhawaad in ka yar 24 saacadood oo lagu faafiyay mashruuca baraha bulshada, Qudrat wuxuu sheegay inay soo codsadeen ku dhawaad 50 qofood oo raba inay bartaan Islaamka iyo nolosha.
Balse baahida isasoo taraysa ee laga muujinayo ol’olahooda darteed, Qudrat iyo asxaabtiisuba waxay awoodayaan inay ballaariyaan mashruuca.
“Hadafkeenna ugu weyn ee ol’olaha waa inay dadku fahmaan muuqaalka saxda ah ee Islaamka,” ayuu yiri Qudrat.
“Islaam micno ahaan waa nabad. Waxaana rabnaa inaan nabadda Ilaahay la wadaagno addoomadiisa lunsan.”

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan