Muqdisho – Laacibka reer Jarmalka ee Mesut Ozil ayaa sheegay inuu wali jecel yahay xirashada no.10 ee kooxda oo uu xirto laacibka amaahda uga maqan kooxda ee Jack Wilshere.
Ozil ayaa loo xiray numbarka 11 markii uu kooxda kaga soo biiray dhinaca Real Marid – markaas oo Wilshere loo xiray nambarka 10 oo uu sitay laacibka Roben Van Persie oo xilligaas United-ka u duulay.
Ozil oo hadda xulkiisa qaranka Jarmalka u xiran nambarka 10 oo uu sidan jiray laacibka ciyaaraha caalami ka fariistay ee Lukas Podolsk, wuxuu wali jecel yahay inuu kooxdiisa Arsenal ka qaato nambarka 10.
Jack Wilshere oo amaahda kula jooga kooxda Bournemouth ee ku ciyaarta gegida Vitality Stadium ayaa Ozil ku riixaysa inuu hamiyo xirashada nambarka laacibkan.
“Wilshere wuu maqan yahay; nambarka 10-kana wuu banaan yahay, waxaan naawilay inaan qaato,” ayuu Ozil u sheegay muddaalaha The Express.
Ozil ayaa sidoo kale soo hadal qaatay saxiixa heshiis cusub isaga oo ku celcelisay hubsiinadiisa ah inuu arko macalin Wenger oo mustaqbalkiisa joogitaan ee Arsenal la isku afgartay marka hore.
Jack Wilshere ayaa la filayaa inuu soo laabto waloow mugdi uu hareeray mustaqbalkiisa Arsenal. Hayeeshe laacibkan ayaa ban-dhig wanaagsan ka sameynaya kooxda macalin Eddie Howe ee Bournemouth