Home / Habka-Nolosha / Pakistan: Da’yar timaha dadka ugu jara Buris iyo Mindi

Pakistan: Da’yar timaha dadka ugu jara Buris iyo Mindi

Himilo – Ali Abbas waa timo jare deggan magaalada Lahore ee dalka Pakistaan. Agabka uu timo jaridda u adeegsado waxaa ka mid ah fiilo, buris, mindi iyo dhalooyin.

Muuqaal laga soo duubay isagoo hawsha ku qabanaya qalabkaas aan xusay ayaa lagu wadaagay baraha bulshada kaas oo dad badan gaaray siyaabo kala duwanna looga falceliyay.

“Maalin walba, waxaan isku dayaa inaan la imaado hab cusub oo timaha loo jari karo. Markaan adeegsanayay buriska ama mindida waxay aheyd tijaabo,” Ali ayaa sidaa u sheegay warbaahin maxalli ah.

Wuxuu sheegay in muuqaal loo duubay si aan ku tala gal ahayn balse wuxuu sheegay in ku jarida timaha qalabkaas ay tahay hawl uu  sannado u tababaranayay sidii u sameyn lahaa.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan