Home / Deegaan / Pakistan oo beereysa 10 bilyan oo geed

Pakistan oo beereysa 10 bilyan oo geed

Himilo – Si loo dhireeyo degaanka oo loola dagaalamo isbaddelka cimilada, dowladda Pakistaan ayaa wada olole lagu tallaalayo 10 bilyan oo geed, midkaas oo noqonaya mashruucii ugu ballaarnaa adduunka ee lagu beero dhir.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayaa lagu beerayaa 3.25 billion oo geed oo ku kacaya adduun ku dhaw 105 billion oo rupee oo u dhiganta ($650 million), sida uu Malik Amin Aslam, wasiirka isbaddelka cimilada Pakistan u sheegay gulfnews.

Imran Khan, ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo daah furay mashruuca, ayaa la filayaa inuu gaarsiiyo ku dhawaad 10 bilyan ka hor inta uusan soo idlaan muddo-xilleedkiisa ku eg sanadka 2023-ka.

Sida Qaramada Midoobay ay sheegtay, Pakistan waxey ka mid tahay lixda dal ee dunida wajahaya saameynta ugu darran ee ka dhalatay isbaddelka cimilada, sida fatahaadaha iyo abaaraha oo kaliya 5% dhulka dalkaasi ayaa ah keymo.

About Sadia Nour

One comment

  1. Studies of trends in breast cancer mortality have attributed the declines mainly to earlier detection in particular, rising rates of mammographic screening and improved treatment Chu et al cronadyn vs priligy The present study was executed in agreement with the Declaration of Helsinki and was approved by the local Ethics Committee approval number SZTE REB 15 2009

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan