Himilo – Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Pakistaan ayaa shacabka ka dalbatay inay yareeyaan isticmaalka Shaaxa, si loo xasilliyo dhaqaalaha dalkaasi ee sabeynaya.
Ahsan Iqbal, wasiirka wasaaraddaasi ayaa qaba in dadka oo maalinkii caba hal illaa laba koob oo shaax ah ay yareyn karto dhaqaalaha dalka kaga baxa soo iibsigiisa.
Sanadkii tagay oo kaliya adduun ka badan $600m ayaa kaga baxay Pakistaan soo iibsashada Shaaxa, taasi oo ka dhigtay dalka ugu soo dhoofsashada badan caleenta Shaaxa.
Codsigan cajiibka ah ee yareynta isticmaalka Shaaxa, ayaa durbadiiba ku baahay baraha bulshada, iyada oo dad badani ka dhigteen wax lagu maadsado, halka qeybtoodna ay shaki galinayaan in dhimistiisa wax ka baddeli doonto xasaradaha dhaqaale ee ka jira Pakistan.
Isaga oo ka hadlayay shir saxaafadeed, Wasiir Iqbal ayuu sidoo kale ganacsatada ka dalbaday inay xiraan xarumahooda ganacsi waxa ka danbeeya 08:30PM (Fiidnimo) si loo beekhaamiyo korontada.
Keydka lacagaha qalaad ee Pakistan ayaa si deg deg ah isku dhimay intii u dhaxeysay bilihii Feebaraayo illaa April, waxey na taasi ku kaliftay xukuumadda Islamabad inay yareyso kharashaadka badan ee kaga baxay badeecadaha ay soo dhoofsato, dalabkan na waa mid xaaladaasi la xiriira.
Sida ay timaameyso xog la helay todobaadkii ugu horreeyay ee bisha Juun, in ka yar $10 bilyan oo lacag qalaad ah ayaa ku jirtay keydka dowladda, taasi oo aanan ku filneyn dalka xittaa muddo laba bil ah.