Pallotta: “Majiraan wararka Saleh ku xiriirinaya kooxda Liverpool.”

Muqdisho – Madax-weynaha Roma, Jim Pallotta ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka Liverpool la xiriirinaya Mohamed Salah inay heshiis dhow la gashay.

Xiddiga xulka Qaranka Masar ayaa la sheegayaa inuu bartilmaameed weyn u yahay macalinka kooxda Reds ee Liverpool, Jurgen Klopp marka uu furmo suuqa kala iibisga ciyaartoyda.

Salah ayaa u halgamay inuu saamey ku kordhiyo horyaalka PL markii uu joogay naadiga Chelsea, hayeeshe Liverpool ayaa aaminsan in laacibkan fure u yahay kulamadooda PL iyo Champion League ee 2017-2018.

Roma ayaase iska diiday in yar oo ku aadan xaqiiqnimada wararka tilmaamaya in laacibkani uu u dhow yahay heshiis inay la gaarto Liverpool.

Pallotta ayaa u sheegay Sirius XM radio: “Su’aalaha xaggiisa iska soo taraya oo ay baafinayaan warbaahinta Roma, aan ku xaqiijiyo hadda waxba kama jiraan.”

“Annaga ayaa u baahan inan is dhisno waayo waxaan sanadka soo socda ka qeyb-galaynaa tartanka Champion League.”

Roma ayaa booska labaad ku dhameysatay Serie A. Saleh ayaa 19 gool dhaliyay dhamaan kulamadii ay kooxdu dheeshay.

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan