Home / Habka-Nolosha / Pallotta: “Majiraan wararka Saleh ku xiriirinaya kooxda Liverpool.”

Pallotta: “Majiraan wararka Saleh ku xiriirinaya kooxda Liverpool.”

Muqdisho – Madax-weynaha Roma, Jim Pallotta ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka Liverpool la xiriirinaya Mohamed Salah inay heshiis dhow la gashay.

Xiddiga xulka Qaranka Masar ayaa la sheegayaa inuu bartilmaameed weyn u yahay macalinka kooxda Reds ee Liverpool, Jurgen Klopp marka uu furmo suuqa kala iibisga ciyaartoyda.

Salah ayaa u halgamay inuu saamey ku kordhiyo horyaalka PL markii uu joogay naadiga Chelsea, hayeeshe Liverpool ayaa aaminsan in laacibkan fure u yahay kulamadooda PL iyo Champion League ee 2017-2018.

Roma ayaase iska diiday in yar oo ku aadan xaqiiqnimada wararka tilmaamaya in laacibkani uu u dhow yahay heshiis inay la gaarto Liverpool.

Pallotta ayaa u sheegay Sirius XM radio: “Su’aalaha xaggiisa iska soo taraya oo ay baafinayaan warbaahinta Roma, aan ku xaqiijiyo hadda waxba kama jiraan.”

“Annaga ayaa u baahan inan is dhisno waayo waxaan sanadka soo socda ka qeyb-galaynaa tartanka Champion League.”

Roma ayaa booska labaad ku dhameysatay Serie A. Saleh ayaa 19 gool dhaliyay dhamaan kulamadii ay kooxdu dheeshay.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan