Home / Cayaaro / Paris Saint-Germain oo dalab u direysa daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger

Paris Saint-Germain oo dalab u direysa daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger

Himilo – Kooxda Paris Saint-Germain ayaa la soo weriyay inay ku dhawdahay soo xero gelinta daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger, kaas oo horey u diiday heshiis kordhay kooban.

Heshiiska xiddigan waxaa ka haray wax ka yar lix bilood, sidaas darteed 28 jirkan waxaa la xaajoonaya kooxo doonaya inay lacag la’aan ku helaan.

Sida laga soo xigtay Footmercato, Real Madrid  ayaa weli aad u danaynaysa inay xiddigan heerka caalami ah ee reer Germany ay geyso Bernabeu.

Si kastaba warar kale ayaa sheegaya inay mar hore kooxda Paris Saint-Germain wakiilo u dirsatay Antonio Rudiger iyadoo u diyaarisay mushaar dhan €7m (£5.85m).

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan