Home / Cayaaro / Pau Lopez oo maqnaan doona muddo seddex bilood ah

Pau Lopez oo maqnaan doona muddo seddex bilood ah

Himilo – Xilli ciyaareedku wuu dhammaaday goolhayaha Roma Pau Lopez, kaasoo u baahan qalliin looga sameynayo garab ka dhaawacmay, wuxuuna maqnaan doonaa muddo saddex bilood ah

Goolhayaha  Giallorossi xilli ciyaareedkiisii wuxuu ku dhammaaday guuldarradii Manchester United, markii uu kasoo gaadhay dhaawac garabka bidix ka dib markii uu kubad ka badbaadiyey Paul Pogba.

Goolhayaha reer Spain ayaa u baahan qaliin Sky Sport Italia ayaana ku warramaysa inuu qorsheynayo inuu qalliin ku maro xarunta caafimaadka ee Villa Stuart Sabtida.

Pau Lopez ayaa sidaas darteed garoomada ka maqnaan doona muddo seddex bilood ah, taasoo la micno ah inuusan ciyaari doonin inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Dhaawaca ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara fursadaha suuqa kala iibsiga xagaagan, madaama Roma lagu soo waramayo inay raadineysay goolhaye cusub oo bedela 26 jirkaan.

Pau Lopez wuxuu kaga yimid Real Betis bishii July 2019 aduun dhan  €23.5m waxaana tan iyo markaas uu la ciyaaray Giallorossi 76 ciyaarood oo tartan ah. Qandaraaskiisa Olimpico wuxuu dhacayaa June 2024.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan