Home / Habka-Nolosha / Paul Pogba ” Leyma ogola inaan la hadlo warfidiyeenka”

Paul Pogba ” Leyma ogola inaan la hadlo warfidiyeenka”

Muqdisho – Xiddiga qalbadda dhexe ee Manchester United, Paul Pogba iyo layliyaha kooxdaas ee Jose Mourinho, ayay u muuqataa ineysan sii wada shaqeyn karin marka la qiimeeyo sida uu u sii wiiqmayo xiriirkooda dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay

Pogba ayaa waydiimo la hordhigay kaddib dhammaadkii kulankii xalay si aan la filayn uga gaabsaday, waxa uuna ka hadlay sababta uu uga hadli waayey guul-darrooyinka iyo ciyaaraha liita ee kooxdiisu soo bandhigtay kulamadii ugu dambeeyey.

Xiddigaan iyo qaar ka mid ah garbaha ay isku kooxda yihiin oo ku kacsan Mourinho ayaa sida uu dhigayo sharciga UEFA, waxay tageen barta loogu talo-galay inay ciyaartooyadu kala hadlaan warbaahinta markii ay dhamaatay ciyaartii xalay ee Valencia, hase ahaatee waxay dhamaantood siyaabo aan habboonayn uga warceliyeen hadalladii ay wariyeyaashu weydiiyeen.

Pogba oo toddobaadyadii ugu dambeeyey aan lagu arag warbaahinta horteeda, ayaa waxa isaga oo fulinaya sharciga UEFA uu soo istaagay halkii warbaahintu ku sugaysay, waxaana su’aashii koowaad ee la weydiiyey uu kaga jawaabay hadal lama filaan ah.

25 jirkan oo la weydiiyey inuu faah-faahin ka bixiyo ciyaarta iyo halka ay kooxdiisu ka liidatay, ayaa waxa uu ku jawaabay “Leyma ogola inaan la hadlo warfidiyeenka.”

Kaligii ma ahayn ciyaartooyada hadallada soo gaagaabiyey ee sida deg-degga ah uga hor dhaqaaqay warbaahinta, hase yeeshee waxa iyaguna jiray qaar kale, ka hor intii aanu tababare Jose Mourinho si toos ah u hor imanin saxaafadda ee aanu ciyaartooyada weerarka ugu qaadin.

Layliyaha Manchester United, ayaa aad u daneynaya in maamulka kooxda arrintaan dhinac u dhigaan , waxa uuna ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro.

Isha: Manchestereveningnews.co.uk

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan