Himilo – Wax ka yar hal sano ayaa ka haray heshiiska laacibka Paul Pogba ee Old Trafford. Waxaa soo badanaya doodaha la xiriira inuu 28 jirkan ka bixi karo kooxda.
United waxay dooneysaa inay heshiish cusub la gasho kubad sameeya si ay uga fogaadaan inuu laacibkooda uga tago si lacag la’aan ah.
Mareegta Eurosport ayaa laga soo xigtay in xiddigan heerka caalami uu ku jiro xilli uu kala dooranayo xulashooyin horyaala.
Real Madrid iyo Paris Saint-Germain waxay labaduna daneynayaal ku guuleystaha koobka adduunka, kaas oo lagu qiimeeyay £50m.