Home / Cayaaro / Paul Pogba “Waxaan doonayaa in aan dib ugu laabto Juventus”

Paul Pogba “Waxaan doonayaa in aan dib ugu laabto Juventus”

Muqdisho – Sida laga soo xigtay wargeysyada Talyaaniga, xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa u sheegay saaxiibadiisa hore ee Juve inuu doonayo inuu laabto Turin, isaga oo kaga tagay 89 milyan oo ginni sannadkii 2016.

Xiddiga Manchester United Paul Pogba ayaa u sheegay saaxiibo inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford, islamarkaana uu ku laabto Juventus, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Italy.

Hadalka wargeyska ayaa xiisa gelinaya ka hor bisha Janaayo ee suuqa kala iibsiga,waxaana lagu soo waramayaa in Juve ay ka fiirsaneyso dalabka ku aadan saxiixa xiddiga hantay koobka adduunka

Pogba ayaa la sheegay in uu yahay mid aan la hubin,kaddib markii ay isku dhaceen tababare Jose Mourinho, wuxuuna si aad ah uga fikiraya mustaqbalkiisa kooxda Premier League.

Waxa uu kaliya ku soo laabtay Old Trafford sannadii 2016-ka, isaga oo ku imaaday qiimo gaarsiisan 89 milyan oo ginni, laakiin waxa uu ku dhibtoonayay in uu ciyaaro xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa Red Devils.

Pogba ayaa ku guuleystay afar horyaal oo Serie A ah iyo labo Coppa Italia afartiisii sanno ee uu la joogay Juventus,laakiin ma uusan ku riyaaqin guulaha kale ee United.

Sida laga soo xigtay wargeyska Corriere dello Sport, 25 jirkaan ayaa u sheegay saaxiibadiisa hore ee Juventus in uu doonayo inuu ka tago Manchester United islamarkaana uu ku laabto Turin.

Inkastoo Pogba iyo Mourinho ay ku adkeysanayaan in aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya iyaga, haddana warar ka imaanaya Talyaaniga ayaa tilmaamaya in guud ahaan ay u muuqtaa daan in xiriirkooda uu noqon karo mid biyo qabow lagu shubay.

Waxaa sidoo kale oo lasoo jeedineyaa Pogba inuu heysto ‘Jacayl xoog leh’,Si uu mar kale qeyb kaga noqdo Juventus.

Pogba ayaa haatan la maqan dhaawac jilibka ah oo soo gaaray kulankii United ay 2-1 ku garaacday Juve labo todobaad ka hor.

Waxa uu laacibkaan ka maqnaa xulka France ciyaaraha fasaxa caalamiga ah,isaga oo safar ku tagay Dubai halkaas oo uu kula kulmay Lionel Messi, laakiin xiddigaan  ayaa rajeynaya in uu ku soo laabto kulanka sabtida ee Premier League ee ay la leeyihiin Crystal Palace.

Isha: Talksport.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan