Himilo – Xiddiga khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara kooxda Roma ee Lorenzo Pellegrini ayaa dhaawac muruqa ahi ka soo gaadhay bowdada bidix wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa muddo 15 maalmood ah.
Kabtanka Giallorossi ayaa seegi doona kulanka ugu dambeeya ee Serie A ee ay la leeyihiin Spezia, laakiin kaqeyb galkiisa Euro 2020 ma ahan inuu halis galo.
Xiddiga reer Italy ayay u badan tahay inuu maqnaan doono marka ragga Roberto Mancini ay isku diyaariyaan tartanka xagaagan iyagoo kulan saaxiibtinimo la leh San Marino oo ka dhacaya Sardinia.
Sky Sport Italia ayaa daaha ka qaaday in baaritaanada qalabka ay muujiyeen dhaawac muruqa heerka koowaad ah oo ka soo gaaray bowdada bidix, laakiin 24-sano jirkaan ayaa ku biiri doona xulka Talyaaniga si uu u sii wado xulka qaranka.
Pellegrini ayaa ciyaaray 34 kulan oo Serie A ah 2020-21, isagoo ka qeyb qaatay 7 gool iyo lix caawin.
Ciyaaryahankii hore ee Sassuolo ayaa ilaa iyo haatan u ciyaaray 17 jeer xulka Italy waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro Azzurri xagaagan European Championship-ka.