Himilo FM – Macallinka Man city Pep Guardiola ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin faquuq oo ka dhax dhaca bulshadda isagoo ammaanay Raheem Sterling sida uu ula dhaqmay faquuqii lagula kacay kulankii maalintii sabtida ee garoonka Stamford Bridge.
Kooxda Chelsea oo ah kooxda taageerayaasheeda ay faquuqa kula kaceen Sterling waxay xannibaad saartay 4 taageere walina waxaa socda baaritaanada lagu hayo jamaahiirta arrintaa sameeyay. Taageeraha lagu eedeeyay faquuqa ayaa raali-gelin bixiyay, waxuuna sheegay in uu hadalkaa si kama’ uga dhacay.
“Waxaan Chelsea garoonkeeda tagayay 50 sanno, sababta ayaa ah halka aan fariisto waxaa qabta kaamirada inta badan toddobaadyada, Haddii aan lahaan taariikh hore oo ah inaan waxan oo kale iri, mar hore ayaa la’i qaban lahaa” sidaa waxaa yiri taageeraha la eedeeyay.
Jamaahiirta kooxda Chelsea ayaysan ahayn markii ugu horreysay ee lagu eedeeyo fal cunsurinimo ah, waxaana xusid mudan inay sidan oo kale ula dhaqmeen taageere kooxda PSG ah sanado kahor mar ay Blues-ka Champions League kusoo ciyaartay Paris.