Home / Habka-Nolosha / Pep Guardiola: “Waxaa lagaaray waqtigii aan ka fariisan lahaa shaqadayda macalinnimo.”

Pep Guardiola: “Waxaa lagaaray waqtigii aan ka fariisan lahaa shaqadayda macalinnimo.”

Muqdisho – Macalinka kooxda Man City, Pep Guardiola ayaa dareensan inuu kusoo dhawaanayo gabagabada waayihiisa tababarnimo ee kubadda cagta.

Guardiola, oo 45 jir ah, ayaa heshiis saddax sanadood ah wuxuu kula jiraa kooxda ku ciyaarta Etihad ee City, hayeeshe in badan masii jeedaalinayo waqti ka baxsan intaas.

Si weyn loogu yaqaan mid kamid ah macalimiinta kubadda cagta saameynta weyn ku yeeshay, macalinka reer Spain ayaa kooxihii uu soo maray kula guuleystay 22 koobab ah taniyo markii uu tababare u noqday kooxda Barcelona sanadkii 2007.

Kooxaha Barca iyo Bayern Munich ayuu kula guuleystay koobab dhowr ah.

Hayeeshe tiiyoo uu kujiro xilligiisa hore ee heshiiska kooxda City, Guardiola wuxuu sheegay inuu ku yimid gabagabada shaqadiisa macalinnimo.

“Waxaan City la joogayaa saddaxda sano ee heshiiskayga, lagana yaabe wax ka badan, balse waxaan ku imaanaya gabagabada shaqadayda xilligan, waana hubaa,” ayuu yiri Guardiola kadib kulankii ay Burnley kaga adkaadeen 2-1.

“Kuma sii jiri doono tababarnimadayda ilaa aan ka gaaro da’da 60-ka ama 65-jirnimada, waxaan dareemaa in mar hore astaanta tagistayda ee goodbye ay bilaabatay.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan