Xiddiga daafaca dhexe uga cayaara kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal Pepe ayaa seegay tababarkii maanta ee xulkiisa oo isku diyaarinaya kulanka afar dhammaadka tartanka qaramada qaaradda Yurub.
Sida laga soo xigtay AP Pepe ayaa dhibaato muruqa bowdada ka heysata awgeed unseegay tababarkii xulkiisa oo isku diyaarinaya kulanka ay la leeyihiin dhigooda Wales.
Pepe oo kusoo bilowday kulan walba oo xulkiisu cayaaray tartanka Euro xagaagan ayaa heysta labo maalmood si uu u soo kabto isuguna diyaariyo kulanka ay Arbacada la cayaari doonaan dhigooda Wales.
Fernando Santos wiilashiisa ayaana kulankoodii u danbeeyay gool ku laadyo 6-5 ah uga adkaaday Poland, haddii ay u awood sheegtaan xulka Wales waxay gaari doonaan Finalka tartankan oo ay ugu danbeysay 2004.