Home / Habka-Nolosha / Pepe oo tababarka buuxa kusoo laabtay kahor Finalka Euro 2016

Pepe oo tababarka buuxa kusoo laabtay kahor Finalka Euro 2016

War farxadeed ayaa u soo yeeray dhammaan taageerayaasha xulka Portugal, iyadoo si rasmi ah uu tababarka buuxa ugu soo laabtay daafacooda dhexe Pepe.

Portugal ayaa habeen danbe kama danbeysta tartanka qaramada qaaradda Yurub ku dhici doonta xulka marti gelinaya tartanka, Faransiiska.

33 jirkaan ayaa dhaawac bowdada kasoo garay ku seegay kulankii ay afar dhammaadka 2-0 uga soo gudbeen xulka Wales.

Daafaca dhexe ee Real Madrid ayaana kasoo muuqday tababarkii saaka ay sameeyeen wiilasha macallin Fernando Santos oo diyaar garow ugu jira kulanka Stade de France.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan