Home / Cayaaro / Phil Jones oo bisha January ka dhaqaaqaya Man Utd

Phil Jones oo bisha January ka dhaqaaqaya Man Utd

Himilo – Manchester United  laacibkeeda Phil Jones ayaa la werinayaa in ay suuragal tahay ka tegista kooxda marka la gaaro bisha January.

Daafacan dhexe ayaan kooxda kasoo muuqan fasal ciyaareedkan dhaawac soo gaaray awgii, balse Jones ayaan kamid aheyn safka 25 ciyaaryahan Premier League ee Ole Gunnar Solskjaer.

28 sanno jirkaan waxa qandaraaskiisa kaga haray in ka badan laba sanno, laakiin waxaa la filayaa in dhawaan uu naadiga ka hayaamo.

Sida ay ku warrameyso Daily Star, kooxaha West Bromwich Albion iyo Burnley ayaa daneynaya xiddigan qeybta labaad ee horyaalka fasal ciyaaredkan.

Jones ayaa dhaliyay lix gool 224 kulan oo uu u ciyaaray United dhammaan tartamada isaga oo kula guuleystay hal Premier League, hal  FA Cup iyo hal Europa League.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan