Home / Cayaaro / Philippe Coutinho oo ugu danbeyn saldhigay kooxda Bayern Munich.

Philippe Coutinho oo ugu danbeyn saldhigay kooxda Bayern Munich.

Himilo – Philippe Coutinho ayaa dhammeystiray heshiis amaah ah uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Barcelona isaga oo saldhigtay naadiga Bayern Munich, taasi oo fursad u heysata in heshiis joogto ah kula saxiixan karto qiimo dhan €120million. Bayern Munich ayaa bixin doonta qiimo gaarsiisan 8.5 oo Euro taasi oo qiimaha amaahda ee laacibkaan.

Xiddiga u dhashay dalka Brazil ayaa noqonaya laacibii ugu horreeyay ee xirta maaliyadda tirade 10 aad tan iyo Arjen Robben.

Barcelona ayaa la warinayey in ay wadahadal ay la galeen kooxda Paris Saint-Germain taasi oo ku aadan in laacibkaan iyo lacago ay ku soo qaataan Neymar.

Kooxaha Premier League sida Arsenal, Manchester United and Tottenham ayaa lala xiriinayey xiddigan sidoo kale waxaan ka marneyn kooxda Inter Milan oo ku jirtay baacsiga laacibkaan.

Agaasimaha kooxda Bayern Munich ayaa sheegay in Coutinho uu kooxda wax badan ka caawin doono, : “Philippe Coutinho wuu na caawin doonaa si aan u gaarno hiigsiga ay u leenahay fasal ciyaareedkan”.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan