Himilo – Gerard Pique ayaa caddeyn halka uu marayo wararka la isla dhex marayo ee sheegaya haddii uu baxayo laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho.
Kooxda La Liga hanatay ee Barca ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarineyso in xiddigan ay ku bixiso si amaah, kaasi oo ay doonayaan afar koox oo fadhigoodu yahay Premier League. Kooxaha xiiseenaya waxaa kamid ah Liverpool, Arsenal, Manchester United and Tottenham.
Barca ayaa la saxiixatay Coutinho iyaga oo kula soo wareegay qiimo dhan €160million oo u dhiganta £142m bishii Janaayo 2018, laakiin xiddigan ayaan si wacan ugu soo dhex muuqan khadbadda dhexe ee kooxda, keliya waxa uu La Liga ka dhaliyey shan gool, sannadkii lasoo dhaafay.
Barcelona waxa ay la saxiixatay laacibiinta kala ah Antoine Griezmann and Frenkie de Jong, kuwaasi oo la rajeynayo in ay kahoos shaqeeyaan tababare Ernesto Valverde, Pique ayaana sheegay in uu doonayo in 27-jirkaan uu ku faraxsanaado kooxda.
“ Wax kama ogi,” Pique ayaa la hadlay warbaahinta Miami, kaddib markii la weydiiyey wararka ka cusub Coutinho.
“Sida iska cad, waxaan doonayaa in uu isagu joogo kooxda, waxaan doonayaa isagu u doonayaa in uu ahaado mid faraxsan. Waan arki doonaa waxa dhaca.
“Ilaa iyo maalinta ugu danbeysa ee suuqa, ma ogaan doona, haddii uu joogayo iyo in kale. Laakin ma ahan go’aankeyga, waxa uu quseeyaa kooxda iyo Philippe’s.”