Muqdisho – Paul Pogba, Neymar iyo Gianluigi Buffon ayaan kamid aheyn 11 laacib ee ugu wanaagsan sanadka ee u sharaxan abaalgudka 2016 FIFA FIFPro World 11, sidaas waxaa xaqiijisay Goal.
Xidigga Manchester United Paul Pogba oo xagaagii hore noqday laacibkii ugu qaalisanaa dunida taariikhda lahayo oo ku kacay 100 malyuun inuu kaga soo dhaqaaqo Juventus ayaa la xaqiijiyay inuusan ku jirin codeynta loo qaadayo 11-ka laacib ee ugu wanaagsanaa sanadkii hore.
Buffon oo Pogba uu la joogay Juventus ayaan sidoo kale soo galin tirsiga in kasta oo sanadkii hore uu sameeyey bandhig qurux badan.
Neymar ayaa isna ku jirin tirsiga sanadkan marka loo eego xaqiijinta Gaol ay sheeganeyso. In kasta oo Neymar uu sanadkii hore ku guuleystay Gold Medal ee ciyaaraha Olombikada Brazil, hadana kuma soo bixin codeyntii loo qaaday laacibiintii booskiisa kula loolamay.
Kooxda sanadkii hore waxay ahaayeen: Manuel Neuer; Dani Alves, Sergio Ramos, Thiago Silva, Marcelo; Paul Pogba, Luka Modric, Andres Iniesta; Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Neymar.