Home / Cayaaro / Pogba oo heshiis horudhac la galay kooxda Real Madrid- AS

Pogba oo heshiis horudhac la galay kooxda Real Madrid- AS

Himilo FM – Ciyaaryahanka khadka dhexe  Manchester United ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday inuu xagaagan u wareegayo Real Madrid.

Pogba ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku biirayo Bernabeu tan iyo bilowgii 2019, halka dhawaanahan lagu dhawaaqay in 26 jirkaan uusan ku kalsooneyn tababaraha United ee Ole Gunnar Solskjaer.

Sida laga soo xigtay AS, xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa haatan ka dalbaday United in ay u ogalaadaan  inuu ku biiro kooxda reer Spain ka hor xilli ciyaareedka soo aadan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Pogba uu horay heshiis ula gaaray qandaraas muddo dheer ah, iyadoo Real ay diyaar u tahay inay bixiso 10.3 milyan ginni sannadkii.

Solskjaer ayaa ku adkeysanaya in uusan Pogba ka tegeyn United mustaqbalka dhow.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan