Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay oggolaatay 80 Milyan oo ginni si ay ula soo saxiixato daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.
19 jirkan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay xilli ciyaareedkan, taasi oo keentay in kooxo dhowr ah ay ku tartamaan.
Barcelona ayaa u muuqatay mid aad ugu dhaw De Ligt iyagoo doonaya inay ka garab ciyaarsiiyaan xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong kaasi oo goor sii horreysay ula saxiixdeen .
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sport, PSG ayaa diyaar u ah inay meel iska saarto kooxda reer Catalan.
Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa diyaar u ah inay ka saxiixato shan sanno ah oo qandaraas ah oo uu ku qaadanayo 13.3 milyan oo ginni xilli ciyaareedkii taasi oo ah inka badan laba jibbaar lacagihii ay Barcelona horey u soo bandhigtay oo aheyd £ 6 milyan oo uu sannadkii helayo xiddigan.