Home / Cayaaro / PSG oo dooneysa khad dhexe katirsan Arsenal

PSG oo dooneysa khad dhexe katirsan Arsenal

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa xagaaga u dhaqaaqi karta cayaaryahanka kooxda Arsenal ee Matteo Guendouzi.

Cayaaryahanka khadka dhexe ayaa loo badinayaa in uu ka tagayo garoonka Emirates Stadium kahor ol-olaha 2020-21 kaddib markii uusan tababare Arteta ku soo billaabin kulamo badan.

21 jirka ayaa lala xiriiriyay kooxo badan toddobaadyadii tagay, waxaa kamid ah Barcelona iyo Juventus.

Si kasta, sida laga soo xigtay football.london, PSG ayaa dooneysa laacibka Faransiiska xilli Arsenal rajo ka qabto in ay ku iibiso lacag dhan £40m.

Guendouzi ayaa Emirates Stadium kaga soo biiray kooxda Faransiiska ee Lorient sanandkii 2018-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan