Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ku durdurisay dhigeeda Troyes kulan ka tirsanaa horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.
Cayaarta ayaa ku soo idlaatay 9-0 oo ay guushuu ku raacday PSG oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin 36 kulan.
Edinson Cavani, Javier Pastore iyo Adrien Rabiot ayaa shabaqa gaaray shan daqiiqo gudahood, intaanu Zlatan Ibrahimovic saddexley 10 daqiiqo ku dhalin.
Matthieu Saunier ayaa gool iska dhaliyay, Cavani ayaa xaqiijiyay goolkii siddeedaad ee kulanka iyadoo Ibrahimovic uu la yimid goolkiisii 4aad iyo kii sagaalaad ee guryo danbeysta ahaa.
Inkastoo horyaalka ay ka dhiman tahay siddeed kulan oo hor leh misna PSG oo toddobaadka xaqiiqsatay inay u soo baxday afar dhamaadka Champions League ayaa u dabaal degtay maanta xagaagii 4aad oo isxiga oo horyaalka ay qaaday.