Home / Habka-Nolosha / PSG oo taariikh cusub u dhigeysa horyaalka Ligue 1

PSG oo taariikh cusub u dhigeysa horyaalka Ligue 1

Kooxda kubadda cagta Monaco ayaa barbaro 2-2 ah la gashay dhigeeda  Reims Jimichii, waana sababta fursad ay taariikh ku dhigi karto siisay kooxda Paris Saint-Germain.

PSG ayaa kulan xiiso badan la dheeli doonta kooxda Troyes. Cayaarta ayaa soo dhici doonta 4ta galabnimo xilliga geeska Afrika, guul ay galabta gaarto PSG ayaana gayeysiin doonta inay hanashada horyaalka ay u dabaal degto xilli siddeed kulan ay sii harsanaan doonaan.

Monaco oo booska labaad fadhisa haddii ay siddeedaa kulan badiso halka PSG iyana la garaaco dhammaan kulamadaa, Monaco ayaa heli doonta 24 dhibcood oo nadiif ah, guul ay maanta gaarto PSG ayaana ka dhignaan doonto maadaama Monaco laga koreynayo 25 dhibcood inay iska ilowdo hanashada Ligue 1 xagaagan.

Haddii sidaa ay sameyso PSG oo saddexdii xagaa ee u danbeysay hananeysay horyaalka, waxay noqon doontaa kooxdii u horeysay oo sida dhaqsiyahaa badan ku dheehan tahay, horyaalka ugu dabaal degto.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan