Home / Habka-Nolosha / PSG oo xaqiijisay in kooxda laga diray macallin Blanc

PSG oo xaqiijisay in kooxda laga diray macallin Blanc

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa daaha ka rogtay in uu soo idlaaday waqtigii uu kooxda la joogay macallin Laurent Blanc.

Saddex sano oo guulo ah ayuu macallin Blanc hayay shaqada kooxda ka dhisan gegada Parc des Princes.

Inkastoo 50 jirkaan uu dhowaan kooxda ku hagay markoodii labaad oo xiriir ah in saddex koob ay hanato, misna wuxuu qoonsaday in wareega afar dhamaadka ee UCL uu u soo saaro oo waxaa waddo cad marisay Manchester City.

PSG ayaana sanadkii afaraad ku guuldareysatay in heerkaa ay dhaafto marka loo eego tartanka UCL, waana sababta uu madaxweynahooda Nasser Al-Khelaifi u go’aansaday isbedel.

Blanc oo 11 koob kula guuleystay kooxda PSG ayayna u badan tahay in booska uu u baneynayo macallinkii kooxda Sevilla Unai Emery.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan