Home / Habka-Nolosha / Pulis: “Arsenal waxay leedahay ciyaartoyda xul ah marka loo eego Chelsea.”

Pulis: “Arsenal waxay leedahay ciyaartoyda xul ah marka loo eego Chelsea.”

London – Tony Pulis ayaa sheeganaya in Arsenal ay leedahay ciyaartoy xul ah oo ka fiican kooxda hoggaanka PL haysa ee Chelsea.

Macalinka kooxda West Brom, Tony Pulis ayaa ciyaartoydiisa ku arkay qeybtii danbe ee ciyaartii ay 1-0 ku lumiyeen dhanka Arsenal gaabis laba toddobaad kahor sidaan oo kale markii lagu soo sul-daaray gegida Stamford Bridge.

Hayeeshe, Pulis ayaa qaba in tayada ciyaareed ee labadan koox marka la eego ay laacibiinta kooxda Gunners-ka ay ka heer sarreeyaan Blues-ka oo ay habboon tahay in maal-qabeenka Chelsea uu suuqa u galo macalin Antonio Conte si wiilashiisu usii xejistaan booska koobaad.

“Haddii aad isla barbar dhigto dardarta iyo weerar celisyada labadan kooxood, waxay ila tahay Arsenal ayaa leh ciyaartoy xul ah,” ayuu yiri Pulis.

“Waxay ila tahay in maal-qabeenku uusan is dhigan ee uu maal-gelin sameeyo si uu ugu naalaado booska koobaad.”

Arsenal ayaa guushan ay ka gaartay West Brom uga dhigan inay kusoo laabato wadada guusha kadib laba kulan oo xiriir ah oo lasoo sul-daaray.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan