Home / Habka-Nolosha / Puntland oo guuldarro labaad u saarisay Koonfur Galbeed + Sawirro

Puntland oo guuldarro labaad u saarisay Koonfur Galbeed + Sawirro

Kulankii saddexaad ee cayaaraha gobollada dalka ayaa galabta lagu cayaaray garoonka Banaadir ee degmadda Cabdi Casiis.

Xulalka Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaana foodda isdaray cayaar xiisaheeda xanbaarsaneyd.

Daqiiqaddii afaraad ee cayaartaba gool waqti hore ah ayay la timid Puntland markii kubbad xirfad ay ku dheehan tahay uu Yacquub Cusmaan Maxamuud la soo dhaafay dhowr daafac, dhinacna ka siiyay goolhayaha.

Saddex daqiiqo kaddib gool labaad ayuu raacsaday Yacquub oo lanbar 16 u xirta xulka Puntlnad, isagoo cayaarta ka dhigay mid hal dhan ah.

Daqiiqaddii 20aad, kubbad isku dhiib dhiib aheyd kaddib Cabdiwaaxid Maxamed oo lanbarka 8 u xirta xulka Puntland ayaa la yimid goolkiisii koowaad iyo kii saddexaad ee kooxdiisa.

Qeybtii koowaad ayaana lagu marsiiyay Koonfur Galbeed 3-0. Natiijo lamid ah tii ay qeybtii hore maallin kahor ku marsiisay xulka Banaadir.

Yacquub ayaase taariikh cusub sameeyay daqiiqaddii 60aad, markii uu dhameystiray saddexleydiisii, kana dhigay cayaarta inay ku dhamaato 4-0, isagoo ku guuleystay laacibka garoonka.

Xulalka Puntland iyo Banaadir ayaana xaqiiqsaday inay Semi Final soo gaareen, maadaama Koonfur Galbeed ay hartay, walow kulan la tuhunsan yahay inuu noqonayo kan tartanka ugu xiisaha badan uu dhexmari doono maallinta Talaadada ah xulalka Banaadir iyo Puntland.

14q

11q

5q

6q

12q

15q

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan