Home / Habka-Nolosha / Puntland oo hanatay horyaalnimada gobollada dalka + Sawirro

Puntland oo hanatay horyaalnimada gobollada dalka + Sawirro

Cayaartoyda Puntland ayaa kulankii Finalka cayaaraha gobollada dalka ka hortagay kuwa Jubaland, cayaar galabta ka dhacday gegada Banaadir Stadium.

Madaxda dalka ugu sareysa oo uu hogaaminayo Madaxweynaha kana mid ahaayeen Raisul Wasaaraha, Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga, Maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale ayaa cayaartan kasoo qeyb galay.

Fu’ad Maxamed Yuusuf ayaa daqiiqaddii 4aad goolka koowaad garoonka ka dhaliyay, wiilkan xirta lanbarka 10 ayaana hogaanka u dhiibay Jubaland.

Puntland ayaase qeybtii hore oo 11 daqiiqo ay ka harsan tahay cayaarta kusoo laabatay markii ay gool ka heshay laacibka lanbarka 7aad u xirta, si qeybta koowaad nasiinada xigta loo aado cayaarta oo garab dhac ah.

Qeybtii labaad waxba iskama bedelin oo kulanka ayaa barbaro min gool ah ku dhamaaday.

Garsoore Xassan Maxamed Xaaji oo kulanka dhexdhexaadinayay ayaana go’aamiyay in cayaarta lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri ah, si loo kala saaro wiilashii hardamayay.

Daqiiqadihii lagu darayna wax gool ah kuma imaan, walow Cabdisalaan Dhiidhiye oo Puntland hogaaminayay uu tuuray laad xor ahaa, birtuse ka beenisay darbadiisa farsameysneyd.

Seeri wadaha ayaana tilmaamay in cayaarta lagu kala baxo gool ku laadyo. Ugu danbeyn Puntland ayaa kulanka ku badisay gool ku laadyo 5-4 ah, si ay ugu guuleysato horyaalka gobollada dalka.

IMG_8635

IMG_8647

IMG_8650

IMG_8648

IMG_8658

IMG_8665

IMG_8897

IMG_8889

IMG_8881

IMG_9376

IMG_9344

IMG_9353

IMG_9394

IMG_9377

IMG_9529

IMG_9499

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan