Home / Habka-Nolosha / Puntland oo u soo baxday Finalka cayaaraha gobollada dalka

Puntland oo u soo baxday Finalka cayaaraha gobollada dalka

Xiddigaha Puntland ayaa cayaar adkeyd la qaatay kuwa Hiiraan/Sh.dhexe, iyadoo labada dhan ay soo bandhigeen kubad sare oo aad u qurux badneyd.

Qeybtii koowaad ee kulanka waxaa lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah, walow badi cayaarta ay fursado wacnaayeen wiilashii xanbaarsanaa magaca Hiiraan/Sh.dhexe oo dhowr goor hujuun daran ku qaaday goosha dhigooda Puntland.

Qeybtii labaad ee kulanka wax badan isma bedelin oo weerar iyo weerar celis natiijo gool aan laheyn ayaa halkiisa kasii socday, ilaa laga gaaray cayaarto oo shan daqiiqo la’.

Yacquub Cusmaan Maxamuud oo lanbar 16 u xirta Puntland ayaa gool shabaqa dhex dhigay xilli goolhayuhu uu u muuqday mid dhaawac ah.

Cayaarta oo gebagebo ah daafaca u xirta 12 cayaartoyda Puntland ayaa loo taagay kaarkii labaad oo huruud ah iyo kaar cas, isagoo seegi doona kulanka u danbeeya tartanka.

Puntland ayaana Jubaland la dheeli doonta kama danbeysta cayaaraha gobollada dalka oo Isniinta dhici doonta.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan