Himilo – Wadamo badan oo uu ku jiro dalkeenna xayawaanada aan xannaaneysano amaba innala nool marka ay bakhtiyaan malaha goobo gaar ah oo lagu aaso, si loo illaaliyo caafimaadka bulshada iyo nadaafadda degaankaba, balse dad ku nool dalka Burma mushkiladaasi waxey u heleen xal.
Waxey ahayd 2015-tii markii dakhtar Tin Htun Naing oo ku nool magaalada ugu wayn wadankaasi uu waayay meel uu ku aaso Eygiisii bakhtiyay, kaas oo la noolaa muddo 15 sano ah.
Magaalada Yangon oo ay ku nool dad ka badan shan milyan, xayawaanada marka ay dhintaan waxay dadku ku tuuri jireen wabiyada amaba dhul-beereedyo laga guuray. “Kuma tuuri karin meelahaasi sababtoo ah waxaan u koriyay sida cunugeyga oo kale,” ayuu yiri Tin Htun Naing.
Xabaal qodayaasha degaanka ayuu ka dalbaday inay ku aasaan qabuuraha magaalada, xilligaasi wixii ka danbeeyayna waxaa lagu xabaalay ku dhawaad 300 oo xayawaano ah sida Mukulaalo, Eey iyo Bakeylayaal. Xabaal qodayaasha ayey u noqotay il dhaqaale, iyaga oo halkii xayawaanba ku aasa adduun dhan $70, sida ay baahisay Rueters.
Inkastoo aragtida dakhtar Naing ay meel martay, haddana dadka magaalada ayaa u arka wax xushmad darri ah in bini’aadamka iyo xayawaanka qabuura qura lagu wada aaso, taasi oo tilmaam ka bixineysa dalka oo aan lahayn qabuuro u gaar ah oo xayawaanada baqtiya lagu duugo.