Home / Habka-Nolosha / Qalin-jabintii labada jiil

Qalin-jabintii labada jiil

Himilo – Waqtiga ugu qaalisan noloshaada waa kan aad heysato hadda, waxaa oraahdaasi tusaalle u ah Pat Ormond oo ah 74-jir hanatay darajada koowaad ee heerka jaamacadeed. 42 sano kaddib markii ay ka tagtay waxbarashadeedii.

Waxaa qoyskeeda ay sidoo kale u dabbaal degayaan munaasibad kale, qalin beddalasha gabadha ay ayeeyada u tahay ee 22-jirka ah ee Melody.

“Waan ogaa inaan ka qalin jabin doono, balse marnaba ma fileynin in ayeeyo aan wada dabbaal degi doono” ayey Melody Ormond u sheegtay CNN.

Pat, oo da’deeda bishan noqneysa 75-jir ayaa fasalkeedii ugu horreeyay ka billaawday jaamacadda Kennesaw State University ee ku taalla Atlanta, balse wax yar kaddib waa ay ka tagay markaas oo ay u guurtay gobolka Tennessee.

Tobaneeyo sano ayay shaqeeyneysay si ay u koriso carruurteeda oo uu ku jiro Melody aabaheed, markii ay howlgabka noqotay ayaa qoyskeeda ku dhiiri galiyeen iney dib u billawdo waxbarashadeeda.

“Waxbarashadu ma dhammaato waxaa sidaas igu dhihi jiray aabaheey markii aan yaraa. Waxba kuma jabna waxa aad sameyso, xittaa haddii aad xiisado ku qaadato hab maqal ah, mar waliba waxaa jiri wadooyin aad qaadi karto” ayey Pat oo ku faraxsan qalin-badalashadeeda.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan