Himilo – Nin sanca yaqaan ah oo u dhashay India ayaa naqshadeeyay qalinka ugu dheer dunida, kaas oo dhiriirkiisu yahay 9-fiit oo u dhiganta 2.7432-mitir.
Muhammed Dileef oo shaqadan ay ku qaadatay sanad, ayaa markii uu ku guuleystay waxa uu ku qoray magaca dalkiisa India, waxaase caawiyay saaxiibadiis gobolka Kerala ee xeebta k/galbeed.
Waxaa farsamadiisa ay u horseeday in la guddoonsiiyo shahaadada Guinness loona aqoonsado naqshadeeyaha qalinka ugu dheer caalamka.
Dileef, ayaa ku sheegay sababta ka danbeysa sameynta qalinkan kuwa wax lagu sumadeeyo ah, in la dhiiri-galiyo waxbarashada jiilka soo koroya oo ay ugu horreeyaan kuwa wadankiisa India.