Muqdisho – Qalinyahan Muslim ah oo ku nool Mississauga ayaa ku guuleystay abaal-marinta hal-curiyaha sanadka 2017 – oo ah mid ay bixiso Iskaashatada EPSO laguna aqoonsado howlkarnimada iyo qalliimada daweynta cudurrada aadka ugu daran indhaha.
Dr. Iqbal K. Ahmed waxaa abaal-gudka loogu deeqay maalintii Khamiista. Waxaa loo aqoonsaday mid kamid ah dhaqaatiirta ugu fiican ee ku gaaroobay daweynta iyo qalliimada indhaha guud ahaan dalka Kanada.
Wuxuuna kamid ahaa dadka ugu firfircoon ee xerada qalliimada indhaha looga danbeeyo sanadihii dhawaa. Si kastaba, sanadkii 2010, Ahmed waxaa laga mid dhigay 40-ka dhaqaatiir ee ka yar da’da 40-jirka oo ugu fiican dalka Kanada.
Hadda wuxuu kaaliye profeesar ka yahay Jaamacadaha Toronto iyo Utah.