Home / Macluumaad / Qaraxii 14-ka October –Bil kadib Xusuusta Maanta!

Qaraxii 14-ka October –Bil kadib Xusuusta Maanta!

Muqdisho – 30 cisho kadib halkan waxaa kasii dhamaanaya muuqaalladii argagaxa lahaa ee 14-kii October ka dhacay kaas oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo maanta oo kale ifka isaga hayaamay.

Dhismayaasha howshoodu wali qabyada tahay iyo kuwa xilli hore shaqada kusoo noqday waxay hayaan sheekooyin isku mid ah oo laga fahmi karo sida noloshu usii soconayso xittaa haddii mahadhada xanuunka leh ee tiiraanyada laga dhaxlo ay tahay wehelkeeda.

Balse hal mid ayay dadkani iyo bulshada inteeda kale kawada siman yihiin. Waana xusuusta dadkii qaaliga ahaa ee si aan arxan ku jirin loogu quuri waayay nolosha ay heysteen. Mar kasta oo aad timaado barta is-goyska Zoobe ama aad maqasho waa inaad geesi u tahay xusuusashada wejiyadii qurxoonaa oo aad maalmo badan halka ku arki jirtay iyo intii kale ee wedku ku haleelay marinkeeda kuwaas oo ifka nagu cidleeyey.

“Maxaa qalinku sheekiyo kolba qodob la yaabliyo qubanaha dharaartiyo mahadhooyin qorayaa?!”

Sida shilinku laba dhinac uga yahay xarash iyo madax, 14-kii October waxay ahayd maalin farxad iyo murugo kulansatay. Waagii ku beryay nabad iyo deganaan wuxuu gabbalku ugu dhacay argagax iyo dhimasho. Wax-ka-yar saacado waxaa laba duni u kala guuray laba is-dhalay: ama wada dhashay.

In kasta oo geeridu xaq tahay, haddana waxa Maalintan oo kale indhaheenna ilmada kusoo istaajiya marka aan xusuusano waxay tahay sida meydadku cad-cad ugu go’een ama dabku uu jirkooda u gubay. Ehelladii dadkoodu xoog iyo xabaalba waayay oo aan hilbahooda meel ku sheegin majirto wax lagu qiyaasi karo tiiraanyadooda.

Qofna waligiis ma suuraysan in qarax sidaan oo kale u ballaaran uu galaafan karo nolosha dadkii ugu tirada badnaa ee abid taariikhda casriga ku wax-yeelooba qarax ka dhaca dalka iyo qeyb ahaan dibaddiisa.

Inta bulshadu usoo joogtay qaraxyada iyo dagaallada, wali lama arag midkan oo kale. wuxuu ahaa mid filashada ka baxsan. Balse taariikhdiisa oo qoran iyo tirooyinka marqaatiga leh ee laga diiwaan-geliyay waxay ku filan yihiin wax ka badan xusuus.

Xanuunka maalintaas dhashay – in kasta oo aan dhammaanteen la nool nahay, haddana waa ehellada dadkii nooga baxay qaraxa kuwa aysan wali qalalin ilmadooda. Daqiiqad walba oo maanta kamid ah waxay ku tahay gocasho qaraar.  Hayeeshe waa Samirka iyo Alle kaashiga tiirka kaliya ee qalbigooda ku haray. Waxayna og yihiin inay bogsimaad u tahay wixii ku dhacay.

Balse indhahda qofka isasoo taaga is-goyska si dhab ah ugama turjumayo dareenka qiirada ee ku dhex sugan laabtiisa. Dhiiggii ku daatay halkan haddii la awooday in dhulka laga nadiifiyo waxaan la awoodi karin in qalbiyada laga tiro axbaabtii farxadda iyo iftiinka u ahaa qoysaskeenna.

358 qof oo rasmi ahaan dowladdu ku sheegtay inay yihiin kuwii qaraxa ku dhintay iyo 228-da qof ee dhaawacyada qabay ma ahan tiro oo kaliya. Mid kasta oo kamid ah dhaawaca iyo dhimashada wuxuu agteenna ku leeyahay xusuus tiiraanyo leh. Mar walba oo ay nool yihiin dhaawacyadii ku samata-baxay qaraxa iyo carruurta marxuumadii ku geeriyooday, sheekooyinkoodu kaliya kuma keydsanaan doonaan dhigaal qoraaleed. Waxaa lala noolaan doonaa xusuustooda.

Saadaasha ah inta ay la’eg tahay helidda kalsooni buuxda oo lagu hubsan karo in musiibadii 14-ka Oct mid lami ah ama ka daran aysan dhici doonin ayaa ah mid aan caddayn. Waxa ku dhici kara mustaqbalka shacabka la nool xusuusteeda ayaa iyadna ku sugan hubaal la’aan. Balse rajadu waa hubka kaliya oo bulshadu kaga hortagayso inaysan lumin yididiilada nolosha.

Haddii 14-ka Oct loogu magac-daray is-goyska Zoobe, bil waba 14-keeda agteenna waxay ku tahay Maalin  tirsan. Xittaa marka ay dhacdo in la isku xisaabiyo gaboodfalka wixii halkan ka dhacay, 14-kii Oct ma noqon doonto xalay-dhalay kasoo qaad!

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan