Himilo – Qarnigan 21-aad ee aan nool nahay waxaa loo asteeyay qarniga ugu kulul dunida laga soo bilaabo 1850-kii-kacaankii Warshadaha.
Dabagal ay sameeyeen Khubaro dhan 528 oo kasoo kala jeeda 61 dal ayaa lagu sheegay in intii u dhaxeysay sanadihii 2010-2019 heer-kulka caalamka uu kordhay celcelis ahaan 0.2 digrii senti gareed.
Warbixintooda waxey ku sheegeen in qarniba kan ka danbeeya uu ka kulul yahay.
Natiijada kale ee saameynta taban leh oo ay heleeen intii ay wadeen dabagalka kooxdan ayaa ah in 32 sano oo xiriir ah uu dhalaalayo barafka fadhiya qaar ka mid ah buuraha Caalamka.
Waxaa sidoo kale sanadahaasi gubanayay Keymaha ku yaala dalalka Australia, Indonesia iyo Siberia oo lagu daray tan Amazon.
Khuburada Cimilada ayaa qaba in loo baahan yahay in tilaabo laga qaado cimilada Caalamka ee sii diireysa,balse iyada oo baaqi jiro ayaa waxaa dib loo dhigay mudo 12-bil ah Shirkii Qaramada Midoobay ee Isbadelka Cimilada ee loo madalsanaa Nofeember-ta soo socota.