Home / Haweenka / Qisada haweeneydii seygeeda dhabarka ku siday in ka badan lix sano

Qisada haweeneydii seygeeda dhabarka ku siday in ka badan lix sano

Himilo – Mid ka mid ah waddooyinka ay dadku ku badan yihiin ee Qaahira, waxaa dhex socotay haweeney Masaari ah oo la liicaysa seygeeda oo ay ku wado dhabarka, si ay u geyso cisbitaalka. Muuqaal indho qabad leh oo laga baahiyay ayaa hadal heyn ka dhex abuuray gudaha dalka Masar iyo guud ahaan dunida.

Heba El-Sayed, waa haweeney Masaari ah, oo ku noolayd aagga Marg, bariga Qaahira, in ka badan 15 sanno ayay ninkeeda ku siday dhabarkeeda, waxay la nool yihiin xaalado dhaqaale oo adag. Xaaladoodu sidaa uma adkeyn muddo sannado ah kahor oo uu seygeedu u soo shaqeyn jiray. Khaled wuxuu ahaa darawal ilaa uu xanuunsaday oo uu dhul dhaco,taas oo keentay inuu lumiyo awooddii uu mar kale ku socon lahaa.

Lafo jaban iyo muruqa wadnaha oo daciif ah darteed, khaled ma awoodo inuu socdo masaafo dheer, mana awoodo inuu mar kale shaqeeyo.

Muuqaal geesinimo leh, “Heba” waxay taageertay seygeeda, waxayna ku adkaysatay inay hore ula sii socoto,taas oo muujineysa sida ay ula gaar noqotay daacadnimada iyo ku dhabar adeegga iyo qanacsanaanta qadarta Eebbe.  

Heba waxay sheegtay in xaaska aaminka ah ay tahay inay weligeed ku sugnaato dhabarka ninkeeda, maadaama ay tani tahay waajibaadkeeda ku aaddan.

In kasta oo waxa dhab ahaan dhacay ay tahay arrintan “Khaledna” uu yahay kan dhabarkeeda ku jiifa, oo ay toddobaadkiiba saddex jeer u qaaddo xarunta kilyaha lagu sifeeyo, iyada oo aan u oggolaan in dakhligoodu yar inay iibsadaan kursiga cuuryaamiinta oo u sahlaya socodkooda.

“Waan xambaarayaa, maxaa yeelay wuu na qaadi jiray, wuu noo damqan jiray, wuuna na qadarin jiray, kahor inta uusan xanuunsan oo uusan noqon mid shaqeysan kara.” ayay tiri Heba.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan