Home / Macluumaad / QM: 1.6-bilyan oo ton oo cunno ah ayaa la khasaariyaa sannadkii

QM: 1.6-bilyan oo ton oo cunno ah ayaa la khasaariyaa sannadkii

Himilo – 14-boqolkiiba, cunnooyinka lasoo saaro dunida oo dhan waxey noqdaan kuwa khasaara oo waxey ku lumaan gacanta u dhaxeysa beeraleyda, ganacsatada, illaa laga soo gaaro macaamiilka, taas oo ay sii dheer tahay tan ay lumiyaan isticmaalayaasha.

Markii la khasaariyo amaba wasaqowdo cunnada waxaa sidoo la waayaa kheyraadkii ka qeyb qaadanayay soo saarkeeda sida biyaha, dhulka, xoogga shaqada, tamarta iyo raasumaalka.

Waxaa taasi sii dheer in cunnada oo la daadiyaa ay horseeddo isbaddel ku yimaada cimilada, taas oo natiijadeeda la hayo maanta.

700-milyan oo ruux, ayaa caalamka si maalinle ah u gaajooda, iyada oo ay jirto in cunno la quudan karo la khasaariyo.

Halka ku dhawaad 800-milyan-na ay la daalaa-dhacayaan macluul ka dhalatay cunno yari, sida ay sheegtay hay’ad ka shaqeysa beekhaaminta cuntada oo fadhigeedu yahay Ingiriiska.

Wadamada horumaray ayaa sannad waliba khasaariya xaddi cunno oo ka badan dalalka kale, balse taasi kama dhigna in wadamada saboolka ah amaba soo koraya aysan khasaarin cunno.

Khasaarinta cunnada waa ay sii jiri doontaa, sida lagu muujiyay shaxda Qaramada Midoobay. Sannadka 2030-ka waxaa la saadaalinayaa in cunnada la khasaariyaa ay gaari doonto 2.1-bilyan oo ton, halka ay maanta ka tahay 1.6-bilyan oo ton.

Cunnadaasi ayaa ka dhigan in dunida ay lumin doonto dhaqaale dhan 1.5-trilion oo doolar, marka loo eego kan maanta la khasaaro oo ah 1.2-trilion oo doolar.

Waxay taasi astaan u tahay inay kordhi doonaan tirada dadka gaajoon doona oo waxaa la filayaa in ay gaaraan 870-milyan oo ruux.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan