Himilo FM – 3 bishii December, sannadkii hore golaha ammaanka ee jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa waxay go’aansadeen in sannadka kasta 24 Janaayo loo gaar yeelo wayneynta waxbarashada wixii hadda ka danbeeya.
Markii ugu horreysay 24-kii bishan ayaa si wada jir ah loogu dabaal dagay maalinta caalamiga ee waxbarashada inkastoo dhanka baraarugga aan laga wada sinnayn marka la eego sida loo xusay.
Qaraarkii sababay in 24 janaayo loo calaamadeeyo xuska waxbarshada waxaa lahaa Nigeria, waxaana ku raacay 58 xubin oo katirsan Qaramada Midoobay.
Ujeedada maalintan gaarka loogu gartay in waxbarshada la karaameeyo, waxaa saldhig u ahaa in kor loo qaado nabadda iyo horumarka iyadoo loo marayo tacliinta. Waa suura gal inaad waxbarato!
Balse maanta 262 Milyan oo isugu jira caruur iyo dhallinyaro ayaa dhigan dugsiyo; 617 Milyan oo da’yar ah ayaan awoodin inay akhriyaan ama ay ka shaqeeyaan xisaabta aasaaska ah; wax ka yar 40% gabdhaha ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika ayaa dhammeysta dugsiyada hoose, qiyaastii 4 Milyan oo carruur ah waa qaxooti dibadda ka jooga goobaha waxbarashada.
“Waxbarashada waa waxa ugu awoodda badan ee aan ku hubin karno haggaagsanaanta caafimaadka, kobaca dhaqaalaha iyo hal-abuurka. Kama guuleysan doono mushkiladda saboolnimada, geesta kale hoos uma dhigi karno isbedelka cimilo la’aanta ka go’naan siyaasadeed oo ku aadan waxbarshada lagana helo hoggaamiyayaasha,” sidaa waxaa tiri Audrey Azoulay agaasimaha hay’adda UNESCO.
“Waxaa waajib nagu ah inaan wax badan sameyn oo aan tiigsano baraare inagoo ka duuleyna qoddobka afaraad ee joogteeya horumarka, waa inaan ka wada qeyb qaadano waxbarasho tayo leh oo loo wada simman yahay, lana dhiiri geliyo daa’imidda fursadaha waxbarsho nolosheenna oo dhan dhammaanteed,” sidaa waxaa yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.
Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, sida ku cad laguna sharxay qoddobka 26aad ee baaqa caalamiga ee xuquuqul aadanaha, waxay muhiim u tahay horumarka waara marka la cuskado tiigsiga 2030 ee Qaramada Midoobay kaas oo isna sheegaya in gaarida 17-ka hadaf ee u dagan inay waxbarashadu u tahay udub dhaxaad.
Ugu danbeyn, waxaa lagu talinayay in dareen gaar ah loo yeesho loona wada istaago sannadkan iyo kuwa danbe helidda waxbarasho tayeysan.