Home / Arrimaha Bulshada / Qoddobada ay tahay inaad qorshe cad ka yeelato nolosha

Qoddobada ay tahay inaad qorshe cad ka yeelato nolosha

Himilo – Noloshu waxay leedahay tiirar waa weyn oo sal dhig u ah sii socoshadeeda. Sidaas darteed, waxaa lagama huraan ah in qof kasta uu yeesho qorsheyaal nololeed.

Dadka aqoonta u leh horuminta nafta ayaa ku taliya qoddobadan in laga dhigto bartilmaameed muhiim ah lana joogteeyo ka miro dhalintooda.

  • Qofka muslimka ah waxaa laga rabaa inuu yeesho qorshe nafeed oo ku qotoma sidii uu ku hormarin lahaa cibaadadiisa.
  • Qof kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu qorshe weyn ka degso sidii uu u hormarin lahaa aqoontiisa – diini iyo maadiba – dhan walba.
  • Qofka walba waxaa daruuri ah inuu sameysto qorshe uu ku hagaajinayo hab-dhaqankiisa bulshada iyo  dabeecaddiisa qofeed.
  • Shaqada oo ah isha dhaqaalaha laga sameeyo waxaa muhiim ah inuu qofku ku dedaalo sidii uu uga dhigi lahaa mid uu xirfadeeda leeyahay.

Qorsheyaasha kale ee ay tahay inuu qofka diiradda saaro waxaa ka mid ah inuu muujiyo kaalintiisa waxtarnimo ee bulshada, la socoshada caafimaadkiisa iyo maareyna dhaqaalihiisa. Waxaa jira qorsheyaal kale oo mug leh balse inta aan soo qaadannay waa kuwo ugu mudan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan