Home / Macluumaad / Qofkii ugu da’da weynaa adduunka oo geeriyooday

Qofkii ugu da’da weynaa adduunka oo geeriyooday

Susannah Mushatt Jones oo loo aqoonsanaa iney tahay qofka ugu da’da weyn adduunka ayaa ku geeriyootay magaalada Newyork ee dalka Mareykanka, da’deedu waxey ahayd 116 sano.

Susannah ayaa ku dhalatay gobalka Alabama bishii July sanadkii 1899, waxeyna ahayd qofkii ugu danbeeyay ee noolaa ee Mareykanka ah oo dhashay qarnigii 19aad.

Waxey nooleyd haweenaydaasi seddex qarni iyadoo goob joog u ahayd 20 madaxweyne oo Mareykanka soo maray.

Ms jones ayaa ka qalin jabisay dugsiga sare sanadku markuu ahaa 1922,  gobalka Alabama ayay ka tagtay waxeyna u wareegtay Newyork iyadoo muddo magaaladaasi ka ahayd haweenka carruurta barbaariya.

Sanadkii ay dhalatay  haweenaydan oo ah 1899 ayaa xambaarsan taariikho dad badan ay garanayaan oo ay kamid yihiin bilaabashadii dagaalkii 2aad ee Boer ee Koofur Afrika ka dhacay,  dagaalkii Mareykanka iyo philipiness iyo soo saaristii Kaniiniyada Aspiriinka, sidoo kale Haweenaydan ayaa dhalatay kahor dhimashadii boqorkii Queen Victoria ee Britain.

Iyadoo u dabaal dageysa sanad guuradeedii 116aad ee sanadkii hore waxa la weydiiyay sirta ka danbeysay da’da fog oo ay gaartay, waxaana ay ku sheegtay  hurdo badan iyo ka fogaanshaha sigaar cabista.

Majaladda Time Magazine mar ay la hadashay geerideeda kahor waxa ay daaha ka qaaday in farxad ay nolosheeda ku lamaanisay maalintiina ay cuni jirtay hilib iyo ukun.

Haweenay Talyaaniga u dhalatay oo la yiraahdo Emma Morano ayaa qaadanaysa booska ay ka dhimatay Susannah ee ah qofka ugu da’da weyn adduunka, waxey ku nooshahay Verbena oo ka tirsan dalka Talyaaniga iyadoo dhalatay bishii November ee sanadkii 1899kii sida ay sheegtay xarunta daraasaadka da’da fog ee gobalka Los Angeles ee dalka mareykanka.

W/D: Mahad Mohamed Ali

 

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan