Himilo – Hok Van De Wouwer oo ah laba sano jir ah waxa loo xiray taajka Qooleyda ugu qaalisan dunida, kaddib markii nin u dhashay Koofur Africa uu ku iibsaday 1.3 milyan oo yuuro oo u dhiganta $1.5 milyan.
Qooleydan ayaa leh indho qurxan oo midabka ubucdoodu gaduud tahay iyo baalal leh midab dameeri madow xigeen ah oo ifiya, iyada oo sidoo kali leh xirfad ilaaleyn, taas oo loo aaneynayo qiimaha sare ee lagu iibsaday.
Waxey la nooleed wiil iyo aabihii oo degan magaalada Antwerp ee dalka Belgium, kahor inta aanan la shaacin in la iibinayo horraantii bishan, sida ay qortay mareegta Odditycentral.
Layaabka ayaa ah in sanadkii hore ee 2019, Qooleey Belgium-ka laga leeyahay noqotay middii ugu qaalisaneyn caalamka, markaasi oo ruux Shiinaha kasoo jeeda uu ku iibsaday 1,252,000 oo yuuro.