Home / Macluumaad / qoraa caan ah oo ka maareeya qarashaadka daabacaadda sheekooyinkiisa howlo nadaafadeed

qoraa caan ah oo ka maareeya qarashaadka daabacaadda sheekooyinkiisa howlo nadaafadeed

Saqbarkii marka la xiro wadooyinka dhulka hoostiisa mara ee magaaladda Buenos Aires, Enrique Ferrari wuxuu u dhaqaajiyaa inuu hagaajiyo boosteejada kana taxadarro nadaafadeeda — si uu halkaa uga soo saaro qarashaadkii uu ku daabici lahaa buugiisa xiga.

Boosteejo nadiifiyaha reer Arjantiin oo 44 jir ah, ayaa helay billado badan oo la xiriira qorista sheekooyinkiisa.
Waxaa lagu soo daabacay sheekooyinka uu qoray bogogga hore ee warbaahinta wax daabacda oo ka soo baxda dhowr dal oo kala duwan.

Sheekooyinkiisana waxaa loo rogay oo lagu turjumay dhowr luuqadood oo kala gedisan, hanaanka quruxsan iyo habeyntiisa ayaana horseed u noqotay in afaf kala duwan lagu qoro tiraab uu tabeynteeda iyo toosinteeda boosteejo u soo tirtiray.

Shaqada saqbarkii uu u dhaqaaqo oo ah nadiifinta boosteejada dhulka ku hoos taal ayuu ku maareeyaa nolosha saddex caruur ah oo uu dhalay.

“Nolol aan qoraal lahayn? Lacag keliya kuguma filnaan doonto,” AFP ayuu intaa ugu xog waramay.

Qoraaga — iyo tiraabtiisa yar oo sida cad u qeexan — ayaa soo qabatay indhaha war tebiyaasha, iyadoo warbixintiisa ay kasoo muuqatay Idaacado, Telefishino iyo Jaraa’id, badina waxay ugu magac dareen “Qoraaga dhulka hoostiisa”.

Laakiin hubaal qadyaan ayuu ka joogaa magaca ay warbaahintu ay ugu yeerto.

“Waan dareensanahay in dadku ay layaab ku tahay, hayeeshee ma ahi maqluul lala yaabo. Waxaa jira shaqaale aan xirfad lahayn una shaqeysta si maallinle ah si ay mushaaraad u helaan oo misna wax qora, sawira ama muusik garaaca,” ayuu yiri Ferrari, oo ah qunyar socde qudhiisa ku qosla shaqooyinkiisa kala duwan.

Sheekadii uu ugu magac daray (Waxay u muuqdaan dukhsi masaafo ka soo duulay) ayuu ku hantay abaal marin xaflad qoraaleed lagu qabtay Spain 2012.

Sidoo kale horaan ayuu ugu guuleystay abaal marin isagoo ku sugan Cuba.

Qoraagan oo ku nool degmada Once oo ku taal caasimadda Arjantiin ayaa yiri “Waxaan qoraa goor walba oo aan awoodo, meel kasta oo aan ku awoodo, inkastoo maallintii inta lagu gudo jiro aan xiiseeyo inaan helo waqti aan ku hurdo.”

Horaan shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay, Foorno ayuu ka soo shaqeeyay, Wade-gaadiid wuu soo maray si lamid ah wuxuu wax ku iibin jiray wadada dacalkeeda ‘Warato’.

Saddex sanadood ayuu si sharci darro ah ugu noolaa dalka Mareykanka, inta aanu dalkiisa hooyo dib ugu soo laaban, isagoo soo laabashadiisii la yimid buugiisii u horeeyay sanaddii 2004.

Yaraantiisii wuxuu taageere u ahaa kooxda kubadda cagta River Plate, Markii siddeed jir uu ahaa, Aabihii ayaa siiyay buug taxane ah oo ka sheegeynayay tacaburka burcad badeedda oo uu lahaa qoraagii reer Talyaani Emilio Salgari.

“Halkii aan ku riyoon lahaa inaan noqdo burcad badeed, waxaan ku riyooday inaan noqdo qoraa aan la hakin karin sida Salgari.” ayuu markale qoraagan yiri.

Hase ahaato ma uusan dooneyn inuu maro marinkii geesigiisa suugaanta.

“Salgari wuxuu naftiisa gunaanadkii u horseeday inuu isdilo. Wuxuu ka daalay warbaahinta wax daabacda oo dhiigiisa jaqday.”

“Wuxuu u qoray warqad uu ku leeyahay ‘Waxaan idinka dalbanayaa macsalaameys maadaama aan qorista soo gebagabeeyay.’
Walow uu ku guuleystay abaalmarino, Kike, uma arko mustaqbal fog suugaanta, wuxuuse marwalba ku riyoodaa inuu filin u rogo mid kamid ah buugaagtiisa.”

“kow iyo tobanka oo rubuc la’, 15 daqiiqo ka hor inta aanan nadiifin dhulka, waxaan ku riyoodaa inaan ku guuleysto abaalmarin caalami oo ah in Steven Spielberg ‘agaasime iyo soo saare filin oo Hollywood ka tirsan’ uu u baahdo in uu Filim ka sameeyo mid ka mid ah buugaagteyda.” – AFP.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan