Home / Madadaalo / Qoys 39-sano la nool Yaxaas!!!

Qoys 39-sano la nool Yaxaas!!!

Himilo – Iskaba daa in la xanaaneystee, dadku badi ma jecleystaan aragtida, u dhawaanshiyaha, ama la dariska xayawaanka biya ku noolka ah ee Yaxaaska, balse qoys kasoo jeeda Japan ayaa waxey la noolaayeen muddo ku dhaw nus qarni.

Nobumitsu Murabayashi oo ah aabaha qoyskaasi ayaa soo iibsaday Caiman-san oo markaasi aad u yaraa si uu u fuliyo dalabka wiilkiisa. 69-jirkan marnaba ma fileynin inuu yaxaasku ka mid noqon doono qoyskiia, 39-sano kaddibse wali waa ay wada nool yihiin.

Caiman-san oo si xor ah u dhex mushaaxa guriga reerka, waxaa dhirirkiisa uu yahay 6-feet iyo 8-inch, halka culeykiisuna yahay 45 kilogaraam. Waxa uu guriga ku dhex leeyahay barkad dabaal.

“Marnaba kuma fikireynin inuu sidaan u kori doono, waxaan la sameeyaa xiriir aniga oo umaraya luuqadda tilmaamta sida marka aan rabo inaan u cadayo ilkaha” ayuu Murabayashi u sheegay wakaaladda wararka ee Caters News.

“Waa xayawaan caqli badan. Intii uu yaraa ayuu maalin qaniinay wiilkeyga, qaladkaasina dib danbe uma galin” ayuu sii raaciyay.

Marka ay doonayaan iney banaanka aadaan, Nobumitsu Murabayashi waxa uu fasax ka qaataa maamulka degaanka uu ku nool yahay ee Kure, isaga oo sidoo kale saxiixa warqad caddeeyneysa inuusan wax qalad ah sameyn doonin yaxaaskiisa Caiman-san. Waase halis uu u bareeray!!!

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan