Home / Macluumaad / Qoys Cafis u fidiyay Dilaaga Aabahood.

Qoys Cafis u fidiyay Dilaaga Aabahood.

Washington – Carruurta ninkii lagu toogtay muuqaal facebook toos ah ayaa cafiyay dilaaga – saacado kahor intaan lagu dhawaaqin inuu isagu is dilay.

Steve Stephens, oo 37 jir ah, ayaa toogtay 74 jirka Robert Godwin oo ah aabe 10 carruur dhalay. Booliska ayaa sheegay Steve uu naftiisa khaarijiyay baadi-goob kadib.

Qoyska Godwin oo la hadlay WJW kahor intaan lasoo werin in Steve is dilay ayaa sheegay inay cafiyeen, waxayna ugu yeereen inuu isku soo dhiibo gacanta booliska inta uusan qofka kale noloshiisa galabsan.

“Qof kasta oo innaga tirsan wuu cafiyay dilaaga,” Tonya oo gabdhaha aabaha la toogtay kamid ah ayaa tiri.

“Waxaan kaliya rabnaa inuu ogaado in Alle jecel yahay. Haa waan tiiraanyoonnay, hayeeshe waa inaan cafinno waayo kitaabkeennu wuxuu leeyahay haddii aan cafinin, aabaha Jannada nama cafinayo.”

Wiilka Godwin ayaa walaashiis ku raacay weertaas.

“Hal mid oo aan jeclahay inaan dhaho waa inaan cafiyo. Waayo dhamaanteen waxaan nahay danbiilayaal – qalad ka dhaco,” ayuu u sheegay CNN.

“Steve waan ku cafiyay. Kuma faraxsani wixii aad samaysay, hayeeshe waan ku cafiyay.”

Booliska ayaa raadinayay Stephens taniyo markii muuqaalka toogasho uu ku baahay baraha bulshada.

Fidiyowga ayaa muujinayay dilaaga oo kaxaynaya gaarigiisa kahor inta uusan hadallo kooban kadib toogasho ku dilin Godwin.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan