Muqdisho – Qoyska Cristiano Ronaldo ayaa qabsaday warbaahinta bulshada, si ay ugu daafacaan eedeymaha la xiriira kufsiga Ronaldo lagu soo oogay, waxayna bilaabeen olole si loogu dhiirrigeliyo dadka inay muujiyaan taageeradooda.
“Waxaan rabaa in aan arko cid geesinimo leh si ay u sawirkooda u saartaan Profile hore ee bartooda bulshada, isbuuc ama wax ka badan, dadka Portugal, isaga iyo midnimada dadkeenna,si loo helo Caddaaladda. Taasi waa wax uu u qalmo. ”
Postigaan sidoo kale wuxu lahaa laba hashtags oo Portuguese Mid ka mid ah oo waxaa ku qornaa “Ronaldo, waannu kula jirnaa dhammaadka wakhtiga. Cr7 waa in uu helaa cadaalad.Fariinta ayaa lagu helay 15 kun oo like halkii saac ee ugu horeyay Postiga.
Ronaldo ayaa lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay Kathryn Mayorga, taasi oo sheegtay in uu ku weeraray hotel ku yaala Lasegas ee 2009. Mayorga ayaa sidoo kale sheegay in Ronaldo uu siiyay lacag $ 375k waqtigaas.
33-jirkaan heerka caalami ee reer Portugal ayaa beeniyay eedeymaha labo jeer, isagoo ku tilmamay “war been abuur ah”.