Home / Arrimaha Bulshada / “Qur’aanka waxaan ka helay wixii aan raadinayay noloshayda oo dhan” haweeney islaantay

“Qur’aanka waxaan ka helay wixii aan raadinayay noloshayda oo dhan” haweeney islaantay

Himilo – Quraanku waa isha hanuunka iyo ilbaxnimada basharka. Maryam oo ah gabar British ah oo ku nool  Plymouth, Southwest England markii ay kala furtay Quraanka waxay ka heshay sababtii dhabta ahayd oo ay nolosha ka baadigoobaysay. Waxaana ku waasacmay laabteeda.

In kasta oo Masiixiyadda ay kusoo kortay, haddana weligeed waxay aaminsaneyd inay tabayso ujeeddada dhabta ah ee nolosha – kumana helin xasilooni iyo qanaaco aadidda kaniisadda.

Jaamacadda ay si kastaba ku baratay diimaha samaawiga ah iyo waxyaabaha ay ka siman yihiin. Kadibna sidii ay usii baaraysay xaqiiqada, waxay heshay Islaamka.

“Dadku marka ay Quraanka kaaga warramayaan waxay kaaga sheegayaan cabsi, argagax iyo baqdin joogto ah,” ayay tiri.

“Laakiin markii aan iskayga u kala furtay oo aan si qoto dheer u aqristay, waxaan ka helay wixii aan noloshayda oo dhan raadinayay oo ah xasilooni iyo la kulanka iyo qaabiladda Eebaha dunida uumay.”

Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana sannad kasta qaaradda Yurub kusoo islaama kumaankun Masiixiyiin ah oo haween u badan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan