Xulka qaranka Portugal ayaa guul weyn ka gaaray dhigooda Faransa si ay ugu dabaal degaan hanashada tartanka qaramada qaradda Yurub.
Gool waqtigii dheeriga ahaa uu dhaliyay Eder ayaa u horseeday Portugal goortoodii u horeysay ee taariikhda inay hanato horyaalnimada qaramada qaaradda Yurub.
Kaddib cayaartii ka dhacday Paris taageerayaasha reer Faransa ayaa kahor yimid Booliska rabshada ka hor taga.
In ka badan 40 ruux ayay Boolisku xabsiga dhigeen iyagoo sidoo kale adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.
90,000 oo taageere oo ku sugnaa aaga taageerayaasha ee u dhow Towerka Paris ee Eiffel Tower ayaa luxayay calamada labadii xul ee kama danbeysta soo gaaray, nasiib xumase cayaarta kaddib qalalaaso ayaa dillaacay.
purchase cialis Donald TZqtiLjNno 6 6 2022